2- QASAA’ID AYAA LAGU AMAANAA
RASUULKA
من تولي مدحه
Inta aannaan u guda gelin qasiidooyinkii Saxaabada Rasuulku ku amaaneen Nabigeenna CSW waxaa diin iyo imaan ah inaan ammaanno Rasuulka suuban CSW annagoo ku camal falaynaya hadyiga Quraanka oo aayado aad u badan uu Illaahay subxaanahu wa tacaalaa ku amaanay Nabigiisa MUxammad CSW. Aayadahaas waxaan kusoo gaab sanaynaa ---
fadliga Ilaahay ku siiyey waa mid weyn –
ilaahay wuxuu Rasuulka ku sheegay Ra’uuf iyo Raxiim.
Aayad kale wuxuu ku yiri [Suuratul Qalam, 4]وإنك لعلي خلق عظيم waxa Khuluqa Nabiga ka mida “CILMI, DULQAD, XISHOOD BADAN, CIBAADO BADAN, DEEQSINIMO BADAN, SABAR, MAHAD-CELIN, ISYARAYN, SAAHIDNIMO, RAXMAD, NA XARIIS, MACAAMILO WANAAG, ADAAB, AKHLAAQ-WANAAGSAN,RAALI-GALIN, IXTIRAAM,JACAYL, RUNLAY,AAMIN , BALAN WANAAG IYO W.L.M.
Waxa uu Rasuulku yidhi CSW أنا سيد ولد يوم القيامة وبيدي لواء الحمد ولا فخر وما من نبي يومئذ آدم فمن سواه إلا تحت لوائي وأنا أول من تنشق عنه الأرض ولا فخر رواه الترمذي “anigaa ah Sayidka Dhashii Aadam, Maalinta Qiyaamaha Calanka mahaduna gacan tayda ayuu ku jiraa, faanna ma aha, Maalintaa anbiyada oo dhan Aadam iyo anbiyada ka danbaysa Calan kayga ayay hoos tiisa ahaa nayaan, Anaa ugu horeeya qof dhulku ka dilaaco, Faanna ma aha.
Xadiis sanadkiisu wanaagsanyahay oo imaam Tarmadi weriyey wuxuu Rasuulku yidhi CSW “maalinta Qiyaamuhu dhaco waxaan ahaanayaa Imaamka Anbiyada iyo ka ukhud badaynaya iyo ka shafaacada iska leh Faanina maayo”.
Xadiith uu weriyey Imaam Muslim, wuxuxuu Nabigu ku ammaanay naftiisa iyo ahalkiisa barakaysan—waxaa laga wariayay
Saxaabigii Waa’il (RC) in Nabigu yidhi CSW أن الله اصطفي من ولد إبر اهيم إسماعيل واصطفي من ولد اسماعيل بني كنانة واصطفي من بني كنانة قريشا واصطفي من قريش بني هاشم واصطفاني من بني هاشم “Ilaahay wuxuu ka doortay dhashii ????????? Ibraahim Ismaaciil Dhashii Ismaaciilna Reer Kinaan, waxa uu ka doortay Dhashii Reer Kinaana Quraysh, Qurayshna Reer Hashim, Aniguu iga doortay Reer haashimna.
Qof kasta oo wax ka yaqaan Siirada Rasuulka CSW iyo kutubta Axaadiithta oo ay ka mid yihiin Saxiixul-Bukhaari iyo saxiixul-Muslim wuxuu ogyahay in asxaabtu ay Qasiidooyin ku amaani jireen Rasuulka CSW iyagoo isugu jira Rag iyo dumar, yar iyo waynba, Nabiga oo Xaadir ah oo hor taagan.
Qasiidooyinkii asaxaaabtu ku ammaaneen Rasuulka CSW kuna difaaceen aad ayey u fura badnaayeen halkanna laguma soo koobi karo haddanse in kooban ka bidhaaminno waxaaan ugu hormarinaynaa qasiidadii lagu weriyey Saxiixul Bukhaari iyo Saxiixul Muslim, qasiidadaas oo uu allifay saxaabigii jaliilka ahaa ee Xasaan Ibnu Thaabit waxaa ka mid ahaa :
هجوت محمدا فأجبت عنه وعند الله في ذاك الجزاء
هجوت محمدا برا حنيفا رسول الله شيمته الوفاء
فإن أبي ووالده وعرضي لعرض محمد منكم وقاء
Qasiidadaan markuu qaaday Xasaan RC. Rasuulku CSW wuxuu siiyey dallacaad duco iyo ammaan uu mahdiyey kuna mutaystey qasiidadii uu ku ammaanay Nabi Muxammad CSW. Rasuulku wuxuu Sayid Xasan ku yiri : ---

Xadiith saxiix ah oo ay weriyeen imaamyaal uu kamid yahay Ibnu Maajah wuxuu Saxaabigii weynaa ee Anas ibnu maalik (RC) uu yidhi -------------------------“nabigu (CWS) waxa uu soo maray qayb kamida magaalda Madiina, waxa uu Rasuulku ku soo baxay Gabdho yar yar oo garaacaya Daf oo waliba gabyaya waxayna lahaayeen, ----
“Anagu waaxan nahay Gabdho Reer banii Najaar ah. waxaa wanaagsan mid daris la noqday Nabiyullaahi Muxammad”, mar kaasuu nabigu yiri Illahay ayaa og in aan anigu idin jecelahay idinka”.
Anas binu maalik (RC) waxa kale oo uu wariyay In Nabigu (SCW) uu galay Maka isaga oo uu hor socdo Saxaabigii weynaa ee Cabdullaahi Ibnu Rawaaxah (RC) isgoo tiranaya Gabay ( Qasiida ) uu ku lee yahay ---
{baneeya Nabiga wadadiisa, dhashii gaaladaay. maantaa la idinku garaaci dintii lagusoo dejiyey Nabiga, garaacid madaxa ka suuliya maqar kiisa, ilawsiiya saaxiibka saaxiibkiis, Rabiyaw waxaan rumeeyay rasuululaahi Muxammad warkiisa}.
Markii Cabdullaahi Ibnu Rawaaxah ilaahay ha ka raalli noqdee uu qaaday qasiidadaas Waxa uu sayid Cumar Ibnul-Khaddaab (RC) ku yiri C/laahi Binu Rawaaxah -----
Ma Nabiga hortiisa adoo socdo oo ku jira Xaramka Illaahay dhexdiisa ayaad Gabyay tirinaysaa, markaasuu Rasuuku (CWs) ku yidhi: Sayid Cumaraw ka leexo C/llaahi ibnu Rawaaxah erayada uu ku dhawaaqayaa waxay Gaalda uga degdeg badantahay Fallaaraha iyo Gamuunyada lagu ridayo. [waxa wariyay Tarmdi Xassanun Saxiixun].
Qofkii doonaya inuu wax badan ka arko qasiidooyinka faraha badan ee asaxaabtu ku ammaaneen Rasuulka CSW ha ka eegto kitaabbada Siirada iyo taariikhda Rasuulka CSW ee ay kamidyihiin siirada Ibnu Isxaaqa, Ibnu hishaamka, -----


Featured