sidee ku noqon kartaa aabe wanaagsan? aqriso qoraalkan wuu ku saacideyn doonaa 1) Waxaa lagu yaqaan inuu yahay qof Ilaahay kabaqa, Rasuulkiisana raaca'' NNKH''.
... 2) Waxuu aad uga warqabaa baahida reerkiisa: Xagga, Diinta, maalka, ama Mooraalka.
3) Xaaskiisu way ku faraxdaa marka uu guriga soogalo.
4) Waakan dhisa wax barashada iyo caqliga reerkiisa, isla markaasna saxa caadooyinkooda.
5) Ma aha mid dila xaaskiisa, maku xanaaqo ma-caayo, mana xaqiro.
6) Makeeno gurigiisa shay aan Ilaah raalli ka ahayn, mana geeyo reerkiisa goob Alle uusan jeclayn.
7) Waa kan had iyo goor daaweeya qalbiga xaaskiisa qaboojiyana .
Marka uu maamulayo arrimaha reerkiisa, ma aha BAKHIIL iyo XAASID.
9) Ma aha qof neceb qaraabada xaaskiisa(sabab sharci ah la’aanteed).
10) Kama hagrado xaaskiisa waxa nafteeda u roon oo aadduunyo ah(awoodiisa)
11) Waa kan xusuusta rabbigii abuurtay markuu maamulayo reerkiisa.
12) Wuxuu had iyo jeer ka dalbaa cafis xaaskiisa, maadaama uusan dhammayn Karin xaqeeda.
13) Waakan ugu yeera xaaskiisa naynaasaha tan ugu wanaagsan.
14) Maalka reerkiisu u baahi qabo waakan aan ku bixin meelo kale oo aan fiicnayn.
15) Waxaa lagu yaqaan in xaaskiisu kuxiran tahay, gabdhaha AKHLAAQDA iyo DIINTA ku sifoobay.
16) Gurigiisa waxaa laga yaqaan jacaylka islaamka qaasatan nabiyunaa muxamad scw iyo awlaadiisa
17) Kuma yiraahdo xaaskiisa “Waad fool-xuntahay & Waan ku-necbahay”.
18) Sidoo kale ma habaaro xaaskiisa.
19) Markay jirran-tahay iyo markay culus-tahay wuu u-adeegaa xaaskiisa.
20) Waakan ka abaal mariya ugana mahad naqa xaaskiisa dadaalkeeda.
21) Wuxuu baraa carruurtiisa xaqa hooyadood iyo in ay ushaqeeyaan.
22) Wuxuu u caddeeyaa xaaskiisa in gurigu iyada kutaagan yahay.
23) Waa kan tusa xaaskiisa in isaga waalidkiis iyo iyada keedu isku mid u yihiin.
24) Makeeno gurigiisa MARTI xun.
25) Wuxuu dhisaa diinta xaaskiisa iyo ubadkiisa.
26) Ficil xun iyo hadal xun kuma horsameeyo reerkiisa.
27) Waxaa lagu arkaa reerkiisa goobaha khayrka sida: MASAAJIDKA & meelaha kheyrku yaalo
28) Ciyaalkiisu lama aha saaxiibbo kuwa dhaqanka iyo diinta xun.
29) Kama shaqeeyo meel xaaraan ah, gurigiisana lagama cuno..cunto xaaraan ah.
30) Mageeyo reerkiisa goobaha xun xun sida club yada iyo wlm.
31) Gurigiisa lagama xirto dharka qarriban.
32) Reerkiisu madhibo dariska mana sheegaan beenta.
33) Wuxuu ka-fakaraa danaha Muslim ka qaasatan somalia
34) Qawl-kiisa iyo ficilkiisu waa isku mid.
35) Ma aha qof ku takhasusay qurxinta QABYAALADDA.
36) Xaaskiisu ugama baqdo sidii dhurwaaga oo kale.
37) Ma aha qof caro badan oo dabeecad xun.
38) Waa nin haduu maqan yahay gurigiisa laga tabo.
39) Waa kan aan ka-fakarin calooshiisa, dharkiisa iyo hurdadiisa oo kaliya.
40) Dadka maxanto, majaajuuso sidoo kale iskuma diro.
41) Waakan xaaskiisu usheegan karto waxa baahideedu tahay, dhakhsana uga hesho haduu hayo 42)kudadaal sidii aad u qancin laheed reer kaada
by feysal cowseey

Featured