Muuqaalkiina waa necebahay iyo magaca kiinaahe
magaalada markaa soo martana waa matagayaaye
waa miir daboolmaan dadkii muunada lahaaye
marwo madaxa laga gooyey oo maradii loo diidey
ee meydka lagu maamulo aad nala mareysaane
dad masiibo soo maagtey miiran baa nahaye
mugdi baan galnoo mowlahaan magan galeynaaye.
Masaamaxdaan mid kaliya oo magan u heysaane
maqaarkaad kasiibtaan dadkii la iska maanacaye
masaakiin waxaa leyseen oogoysey midigtooda
ama maal agoomeed marqura ugu madoobeysey
waxaa noo marqaatiya dadkaas magacyadoodiiye
dad musiibo soo maaktey oo miiran baan nahay
mugdi baan galnaye mowlahaan magan galeynaahe.
Mas,alad ilaaheeey hadaa marin habaabeyso
oo ku makmaaktey meel kaloo midkale lagu macneynaayo
maalin aan lakala madaxsaneyn oo la is maquuneyne
oo meel lawada maraayo baa la iska miisaaye
mugdi buu kugali maalintaa kii marooqsadee
midkii laga maroqsado murugtu wa deyne
waa mahad ilaah siiyabuu midig ku heystaaye
dad musiibo soo maagtoo miran ba nahaye
mugdibaan galnoo mowlaan magan galeynaaye
. Meyd mara la, maasha,allah 10malaayiine ee abuu zubeyr (godane)
madax u yahay mahadnaq weeyaane.

Featured