Tixdaana waxaa igu dhalisey markaan arkey xasuuqa shacabkeena oo jihad lagu tilmaamayo oo waliba rag sidaas diiniyan u aaminsan eey jiraan oo hadii dadkaan eey laayaan ee jano ku tagayaan balse xaqiiqdu sidaa maahan oo waa qorsho maldahan oo eey yuhuudu kadanbeyso dhalinteeniina lagu marin habaabiyey:
Ma jihaado soomaliduye waa isku jihataaye
jinni nalaku jaan jaanshey aa jaanta noo rogaye
jiqdaa nagula jiitaa oo jalawdu yeereeyee.
jiiraa lajaljalayee ee laga jibaadaaye ee
jariida laga jaraayaa lagu jiaahaadye
jaamaca jidkiisa iyo janadaala iska jeedshaaye
jahanama jidkeeda iyo jaxiima loo jiscimanaye
janana jiifsan maa gaal ninkii jeelka dhiganaaye
wixii la isku joorfalana aakhiraa la iska jaazeyne
jabnay oo kujiisowney oo nalaku jeesjeesye
jaliiloow adaa jira adaa jooga abidkaaye
naga jooji qoomkaan jaraiban waana jabiyeene.(argagixisada soomaaliya).
By qoraaga abdiwali daahir (online)

Featured