taariikhda maxamed c/wahaab
aas aasaha fikrada wahaabiyada
qeebtii koowaad
sida ay qoreen cinwaanul-majdi iyo kutubta kale ee taariikhda wahaabiyada maxamed c/wahab wuxuu ku dhashay magaalada al cuyeynah oo ka tirsan dhul ahaan iqliimka najdi taariikhda markay eheed 1115kii hijriyada oo ku beegan 1703dii miilaadiyada.
iyagoo sheegay in uu fiqiga mad'habka xambaliyada ka aqristay aabihii sh.cabdulwahab bin suleemaan kadibna xajka ayuu aaday ayey yiraahdeen, isaga oo uga sii gudbay madiina al-munawara oo ay sheegeen in uu kula kulmay sheekhyada kala ah sheekh c/laahi ibnu ibraahiim ibnu sayf iyo al-callaamah sheekh muxamad xayaat al-sindi intaa kadib wuxuu ku soo laabtay ayeyyiraahdeen magaaladii uu aabihii joogay ee al-cuyeyna halkaasoo uu kaga
tixmay dersigii uu aabihii akhrinayay kadibna waxay sheegeen in uu uga siigudbay dhanka ciraaq, oo uu u doontay cilmi barasho wuxuuna magaalada basra kula kulmay sheekhyaal uu ka mid ahaa sheekh muxamad al-majmuuci halkaas oo ay sheegeen inuu maxamed c/wahab ka muujiyay fikradiisa markaas ka bacdi waxaa ku kacay ooo ka hor yimid ayey yiraahdeen culimadii halkaaas joogtay iyadoo eeeed loo qabsaday, cidii uu xerta u ahaa waxaana lagu qasbay inuu sida ugu dhaqsiyada badan uga baxo magaalada, wuxuuna u sii cararay dhanka tuulada al-subayr maxaa ka qabsaday magaalada al-subayr waa inoo dar sigeena labaan walaahu aclam
qeebta labaad taariikhdii maxamed c/wahab aas aasaha wahabiyada
sida aan ula soconay darsigeenii hore waxaa uu maraayay in maxamed c/wahab laga soo buriyay basra waxuu usoo cararay tuulada al-subayr kitaabka cinwaanu-majdi ee taariikhda wahaabiyada juska 1-aad bogga 8-aad wuxuu ibnu bishri ku sheegay in markii maxamed c/wahab kasoo cararay magaalada basra uu meel cidla ah harraad kula dhacay, kadibna isaga oo naftiisu halis ku sugan tahay ayaa waxa soo maray nin la'oran jiray xamdaan, nin kaasoo siiyey biyo uu cabo, kuna qaaday dameerkii uu watey oo uu ku geeyay magaalada al-busayr.
halkaas ayuu maxamed c/wahab kasii watay cararkiisii oo uu ku tegay mandhiqada al-axsaa, taasoo ay sheegeen in uu culimadii halkaas joogtay kula dooday arrimo ku saabsan caqiidada doodaas oo sababtay in markale laga eryo magaalada, wuxuuna u baxsaday dhanka magaalada xuraymila oo uuwaqtigaas aabihii joogay
sida ay ka dheregsan-yihiin inta aqoonta u leh diinta islaamku, waxaa waqtigaas muslimiinta dhex joogay imaamyaal aqoon fiican u leh diinta islaamka
sidaa awgeed ayey fahmeen in maxamed c/wahab uu ku shaqeeynayo fikri ay cid kale u soo dhiibtay, waxaadna xaqiiqsanaysaa arintaas ay culamadu ka fahmeen maxamed c/wahab marka aad akhriso afkaarta iyotaariikhda wahaabiyada maxamed c/wahab markii uu u yimid aabihii maxuu kala kulmay lasoco casharkeena danbe qeebta sedexaad haduu alle idmo walaahu aclam
qeebta sedexaad taariikhdii maxamed c/wahab aas aasaha wahabiyada
sida aan aan ku soo sheegnay darsigii hore in maxamed c/wahab uu aabihii u yimid kutub wahaabiyadu waxay sheegeen in maxamed c/wahab iyo aabihii ay si weyn isaga horyimaadeen, taasina ay sababtay in maxamed c/wahab uu fikradiisii faafin waayo intii uu aabihii noolaa sida uu qorayo kitaab-kooda cinwaanul-majdi juskiisa koowaad boggiisa 8-aad .
1153 dii hijriyada maxamed c/wahab isagoo ka faa'iideysanaya dhimashadii aabihii sheekh c/wahab ayuu allifay kitaab gaalo ku sheegaya cid alla iyo cidii aan isaga raacin kitaabkaa oo uu ugu magac daray (kitaabkii towxiidka)!!! wuxuu kitaabkaas iyo dhamaan kitaabadiisa kale ku caddeeyey in dadku aaney haysan towxiidka. taasina waxay sababtay in muslimiintii reer xureymilah xoog isaga saaraan ninkaas gaalada ku sheegay, kuna dul alliftey towxiidka ka geddisan kii islaamka ee ay yaqiineen
markaas ayuu haddana usii cararay magaalada al-cuyeyna, wuxuuna la kulmay amiirkii tuulada, taariikhdu markay ahayd 1157 dii hijriyada oo ku beegan 1744 tii miilaadiyada, amiirkaas oo la oran jiray cusmaan ibnu naasir ibnu macmar wuxuu maxamed c/wahab u oggolaaday in uu faafiyo fikirkiisii wahaabiyadda ee ay horey u diideen muslimiintii kale iyo caalimiintii islaamkuba.
markaas ayuu magaalada ka billaabay howlo uu fikradiisa ugu adeegayo,
oo ay kamid ahayd dilkii uu dilay gabar aan la ogeyn sababta lagu dilay, balse uu isagu sheegtay in ay sino qiratay taasoo ruuxeedu la yaab ku noqotay culumaa'uddiinkii iyo dadkii kale ee wax garadka ahaa, sababta oo ah isagu HOWSHAA UGUMA XILSAARNEYN MAAMULKii dowlada islaamka.
sidaasi darteed waxaa loo aqoonsaday arintaa uu ku kacay maxamed c/wahab xadgudub qas iyo qalaanqal uu ka dhex wado dadka muslimiinta ah iyo dowladoodaba.
waayo diinta islaamku ma oggola in nin caadi ahi uu dadka iska laayo,
uuna yiraahdo kani waa sineystay, kani wuu qamaaray, kani wax buu xaday iwm.
arrimahaas oo dhan waa arimo u baahan caddeymo, marqaatiyo iyo xukun uu xukumo qaadiga iyo ciddii kale oo ay u xilsaarato dowladda islaamku.
laakiin sida maxamed c/wahab uu gabadhaa ku dillay waxay ahayd fawdo iyo falal ka dhan ah dadka muslimiinta ah diintooda islaamka intaba. arrintaasi iyo kuwii ka sii darnaa ee uu sameeyey maxamed c/wahab waxay si wayn uga careysiisay amiirkii al-axsaa ee dowlada islaamka gobolkaasi madaxda uga ahaa wuxuu ku amray amiirkii tuulada al-cuyeyna ee la oran jiray ibnu macmar, in uu si deg deg ah uga saaro magaalada.
amiirkii tuulada al-cuyeyna wuxuu qaatay amarkii amiirka, wuxuuna markii uu ka saaray magaalada maxamed c/wahab uu daba dhigay askari xaqiijiya in uu magaalada ka fogeeyey, halkaasoo maxamed c/wahab uu cararkiisii ku soo galay tuulada al-dirciya.
hadaba annagoo ka hadli doona markii maxamed c/wahab uu tagay tuulada dirciya, xiriirkii dhex maray isaga iyo amiirkii dirciya iyo cidii sababtay, wixii ay ku heshiiyeen iyo mirihii ka dhashay, ayaa waxaan idiin soo hormarinayaa mawduuca uu cinwaankiisu yahay sida tan.
MAXAMED CABDULWAAB IYO SIDII LOOGU TUHMAY INUU NABINIMO SHEEGANAYO
INSHAA ALAAH WAA INOO DARSIGEENA DANBE WALAAHU ACLAM
QEEBTII AFARAAD MAXAMED C/WAHAB & SIDII LOOGU TUHMAY INUU NABINIMO SHEEGANAYO
dadka raacsan maxamed c/wahab waxay sheegeen in dadka ka soo horjeedaa ay ku eedeeyeen maxamed c/wahab inuu nabinimo sheeganayey kutubta hadaladaa qortay waxaa ka mid ah kitaabka wahaabiyada ee layiraahdo
((maxamed c/wahab muslixun madluumun wamuftaraa calayhi)) oo uu qoray mascuud al nadawi , boga 206 wuxuu ku yiri, hadalkaas ( kuwa cadawga ku ah fikrada sheekh maxamed c/wahab waxay yiraahdeen sida xaqiiqada ah maxamed c/wahab nabinimo ayuu sheeganayey laakiin wuu is qarinayey) hadalkan waxaa mascuud nadawi kaga horeeyey xuseen ibnu qanaam oo maxamed c/wahab arday iyo qoraaba u ahaa, isla markaana sheekh u ahaa nin ka allifay kitaabka ugu caansan kutubta wahaabiyada ee (fatxul majiid) isagoo ibnu qanaam uu hadalkaas ku sheegay kitaabkiisa (rowdatul afkaar) juska 2 aad bogga 214.
sidaa awgeed mascuud nadawi wuxuu kitaabiisa aan soo sheegnay kaga faalooday dad badan oo kutubtooda ku qoray in maxamed c/wahab nabinimo sheegasho qarsanayey waxaana kamid ahaa culumadii uu sheegay SHEEKH AXMED ZAYNI DAXLAANI IYO SHEEKH AXMED BIN C/LAAHI AL XADAADI BAA CALAWI
mascuud nadawi waxa kale oo uu sheegay in sheekh daxlaani uu marar badan ku soo celceliyey ereygan oronaya ((sida muuqata maxamed c/wahab nabinimo ayuu sheeganayey laakiin ma'awoodin inuu si cad umuujisto))
walaalayaal culumada ay wahaabiyada sheegeen inay maxamed c/wahab ku eedeeyeen nabinimo sheegasho, waa caalimiin caan ka'ah muslimiinta dhexdeeda, lagamana yaabo inay ilaa heerkaas qof kubeen abuuranayaan.
hidii ay arintaas ka beensheegaana waxay muslimiinta dhexdeeda ka mutaysan lahaayeen raddin iyo canbaareyn kaga timaado caalimiinta islaamka, balse iskadaa in la raddiyee kutubta ay ka allifeen raddiga bidcadu, waxay noqdeen kutub laga ictimaadsado muslimiinta ahlu xaqa ah dhexdeeda, waxayna hoggaamiyaan kumanaanka caalim ee raddisay wahaabiyada.
haddii aanu soo qaadanno sheekh daxlaani oo kali'ah wuxuu qoray kutub isugu jirta CULUUMTA QURAAN, AXAADIISTA RASUULKA SCW, FIQHIGA, CULUUMTA CARABIYADA IYO FUNUUN KALE OO KA MID AH CULUMTA DIINTA ISLAAMKA. intaa waxaa u weheliyey sheekh daxlaani iyo sheekhyada kale ee ahlusunnada, marqaati cad oo ay heleen markii ay wahaabiyadu daabaceen kutubkii maxamed c/wahab, isla markaana lagu helay raadka nabinimo sheegashadii lagu eedeeyay oo aan ka tilmaami karno:-
1. HADALKII UU MAXAMED C/WAHAB ku qoray kitaabkiisa al-risaa'ilu shakhsiyah qeebtiisa 5aad ee uu yiri (( DADKA WAXAA IGA HORKEENAY WIXII NABIMUXAMAD KA HORKEENAY)) markaas ayuu daliishaday aayada quraanka ah ee macnaheedu yahay ((MARKASTA OO UU UMMAD U YIMAADO RASUULKEEDU WAY BEENIYAAN))
haddaba waxaa inta aqoonta u leh diinta islaamka la weydiinayaa waa maxay nabinimo sheegashada udhiman maxamed c/wahab hadii uu hadalkaas yiri, isla markaana uu ku qoray kitaabaddiisa?
haddaba ogow waxaa iyo wax ka daran ayey arkeen culumada islaamku markaas ayey caddeeyeen in uu maxamed c/wahab nabinimo sheeganayey laakiin uu karti u waayey inuu si cad u yiraahdo nabi ayaan ahay .
iyadoo la ogyahay in firqada wahabiyada, si kasta oo loogu sheego kalaamka illaahay ee quraan ka kariimka iyo axaadiista rasuulka scw aanay aqbalayn, haddii aanu sheegin maxamed c/wahab ama qof ka tirsan wahaabiyada,
runtii walaalayaal lama soo koobi karo hadallada maxamed c/wahab ee muujinaya nabinimo sheegashadii ay culumadu ku eedeeyeen waxaana ka mid ah kitaabadiisa kale ee arrintaas laga fahmayo:
2:kitaabkiisa al-risaa'ilu shakhsiyah qeebtiisa 5aad iyo kitaabka kaatibkiisa xuseen ibnu qanaam ee taariikhu najdi, risaaladiisa 10aad juska 2aad bogga 137-138 wuxuu maxamed c/wahab ku yiri.
((CILMI AYAAN DALBAY DADKII IYAQAANAYNA WAXAY II AQOONSADEEN INAAN CILMI LEEYAHAY, MANA AQOON WAQTIGAAS {CAALIMKA LA'IIHAYSTO} LAA'ILAAHA ILLALAAHU WAXA AY TAHAY IYO ISLAAMKU WAXA UU YAHAY, KHEYRKAN ILLAAHAY IGU MANAYSTAY HORTII))
haddaba markii sheekh loo aqoonsaday kadib hadii aanu aqoon laa'ilaah illaahu waxa ay tahay iyo islaamku waxa uu yahay waa maxay kheyrka kale ee lagu mannaystay ee uu ka fahmay tawxiidkan cusub?!
soo taasi ma'aha nabinimo sheegasho iska cad.
arintu inay sidaas tahay waxaa sii caddeynayo hadalkiisii kan xigey ee uu YIRI.
((SHEEKH YADAYDUNA MAY AQOON LAA'ILLAAHA ILLALAAHU WAXA AY TAHAY IYO ISLAAMKU WAXA UU YAHAY)).
kawarama walaalayaal hadii maxamed c/wahab sidan uu sheegay aanay sheekh-yadiisii tawxiid iyo islaam aqoon isaga yaa baray xageesa ka helay towxiidkan uu sheegtay miyaa loo waxyooday oo rasuulnimo ayuu sheeganayaa?! taa hore ayuu uga jawaabay oo wuxuu yiri (( KHAYRKAN ANIGA LAYGU MANNAYSTAY HORTII TOWXIID IYO ISLAAM MIDNA LAMA AQOON ))!
WALAALAYAAL LASOCO QOMADA AFARAAD IYO DHAMEYSTIRKA CASHARKEENAAN LAMAG BAXAY MAXAMED C/WAHAB & SIDII LOOGU TUHMAY INUU NABINIMO SHEEGANAYO WALAAHU ACLAM
QEEBTII SHANAAD MAXAMED C/WAHAB & SIDII LOOGU TUHMAY INUU NABINIMO SHEEGANAYO
intaa kuma ekeeysane isaga oo wali hadalkiisa siiwato wuxuu yiri
((QOFKII REER CAARID AH EE SHEEGTA INUU TOWXIIDKA IYO ISLAAMKA YAQAANNO AMA SHEEGTA IN SHEEKHYADIISU ISLAAMKA IYO TOWXIIDKA YAQAANIIN ANIGA HORTAY BEEN AYUU SHEEGAY WUUNA BEEN ABUURTAY))
ka warama muslimiintii oo dhan iyo culumadoodii ayuu maxamed c/wahab leeyahay aniga hortay ma aanay haysan islaamnimada iyo towxiidka toona.
sidaas darteed ayuu muslimiinta aan isaga raacinwuxuu ku magacaabay mushrikiin gaalo ah sidaasna ku xalaalaystay dhiigoodii iyo xoolahoodii, waxaana lawada ogyahay in qofkii aan raacin rasuulka (scw nnkh) uu gaal yahay balse aanu gaal ahayn qofkii aan raacin maxamed c/wahab laakiin maadaama uu nabinimo sheegasho qarsanayey sida ay culumaduba horay ugu caddeeyeen ayuu kitaabadiisa ku qoray hadalladaas iyo kuwa la midka ah ee noogu iman doona qoraaladeena soosocda.
3.hadalada maxamed c/wahab ee ay ka muuqanayso nabinimo sheegashadu waxaa ka mid ah hadalkiisii ku qornaa kitaabkiisa AL-RISAAILU-SHAKHSIYAH QEEBTIISA 5AAD EE UU YIRI ((DADKA ILA DAGAALAMAYA WAXAY LAMID YIHIIN KUWII WARAQATA IBNU NAWFAL UU KU YIRI NABI MUXUMAD ILLAAH BAAN KU DHAARTEE QOFKII LA YIMAADA WAXA AAD LA TIMID OO KALW WAA LALA COLLAYTAMAYAA)).
haddaba soo hadalkani cadeyn maayo maxamed c/wahab oo sheeganaya in uu layimid nabinimadii uu nabi muxamed nnkh layimid oo kale, sidaana loola colleytamayo.
walaalayaal awalba suuro gal ma'ahayn in ay been abuur intaa le'eg sheegayaan culumadii waawaynayd ee kutub-tooda ku qortay in maxamed c/wahab nabinimo sheeganayay, laakiin uu ka baqay in uu si toos ah ugu dhawaaqo balse arrintaas ahayd mid ku cad maxamed c\wahab.
4.wax yaalaha arintaa u maqraati furaya waxa ka mid ah, MARKA AAD AQRISO KITAABKA TAARIIKHDOODA EE ((CINWAANUL-MAJDI)) GA UU QORAY IBNU BISHRI IYO KUTUBTA LA MIDKA AH EE WAHAABIYADDA, waxaad in badan ku arkaysaa iyagoo oranaya muslimiintii waxa ka shahiidey intaas dadkii kalena intaaa ayaa ka halaagsantay .
waana la laayay waana la khaniimaystay dabeetana waxaa guulaystay towxiidkii markii mushrikiinta uga jeedaan muslimiinta aan wahaabiyada ahayn towxiidkana uga jeeda towxiidkii uu sheegay maxamed c/wahab in aan hortii cidna lasiin cidii aan raacinna gaalo tahay.
waxaa kale oo qoraaladooda aad kitaabadaas ku arkaysid ka mid ah ((hebel wuxuu sh maxamed c/wahab kula mubaayacooday ilaahay diinkiisa iyo rasuulkiisa)).
ninkii wahaabiyada ka baxana waxay oranayaan wuu riddoobay diinta ayuu ka baxay iyo ereyo kale oo kuwaa lamid ah.
5.sidoo kale markii uu qabsaday magaalada maka ciidankii wahaabiyada ee uu hoggaaminayey sacuud bin c/casiis bin maxamed bin sacuud ayey muslimiintii reer maka ku yiraahdeen maxaad noo laynaysaan miyeynaan muslim ahayn?.
markaas ayey ku jawaabeen wahaabiyadu ((gaalnimo ku xukumi mayno qofkii aan dacwadeennu (diinteenu) gaarin, ee waxaan gaalo ku xukumaynaa (oo aanu laynaynaa) qofkii dacwadaynu (diinteenu) gaarto ee markaa diida.
haddaba miyaanu hadalkan wahaabiyadu ku caddayn risaalo sheegasho maxaa u dhiman mar haddii ay yiraahdeen qofkii diinta islaamka haysta waa mushrik lagu jihaadayo lana qaniimaysanyo mana noqonayo muslim ilaa uu towxiidka qaato oo ay ula jeedaan ilaa uu ka raaco maxamed c/wahab.
taasoo ah mid aad uga fog xaqiiqada islaamka waayo qofkii nabi muxamed nnkh diida ayaa gaal ah ee gaal ma'aha qofkii diida maxamed c/wahab intaas iyo xaqiiqooyin ka badan waxaad ilaahay idinkii heli doontiin marka aad akhrisaan guud ahaan qeybaha uu qoraalkani ka kooban yahay.
ilaahay waxaan ka rajaynayaa in dadka muslimiinta ahi naftooda iyo ahalkoodaba ka ilaashaan cid kasta oo ka fasaadinaysa adduunkeeda iyo aakhiradeeda. lasoco qeebta lixaad iyo kulankii maxamed c/wahab iyo maxamed ibnu sacuud iyo dhismihii dowladdii koowaad ee sacuudiga 1157-h-1744-m.
numbaradana waxay la socdaan casharkii hore walaahu aclam
QEEBTII LIXAAD
KULANKII MAXAMED C/WAHAB IYO MAXAMED IBNU SACUUD IYO DHISMIHII DAWLADDII KOOWAAD EE SACUUDIGA 1157-H. 1744-M.
walaalayaal sidaan horeyba idinkugu soo sheegnay maxamed c/wahab markii laga soo eryey magaalada al-cuyeyna wuxuu soo galay magaalada al-dirciya, wuxuuna ku soo degey gurigii c/laahi ibnu suweylam oo reer cureyni ahaa intaa kadib ibnu suweylam wuxuu la xiriiriyey labo nin oo la dhalatay amiirka tuulada lana kala oran jiray thinyaan binu sacuud iyo mushaari binu sacuud iyaguna waxay la sii xiriiriyeen naagtii uu qabay amiirka tuulada oo la oran jiray mawda binti wahdaan.
mowda waxay aad ugu qanacday arinta uu wedey maxamed c/wahab markaas ayey ninkeeda ku dhiirigalisay inuu la kulmo maxamed c/wahab uguna uguna tago guriga uu joogo si dadku ugu arkaan nin weyn oo amiirku ugu tegey fadhigiisa.
amiirkii deg deg ayuu u aqbalay talada xaaskiisa isla markiina gurigii uu joogay ayuu ugu tagay maxamed c/wahab, si deg deg ah ayuu u salaamay wuxuuna ku yiri sida tan ((ku bishaareyso kheyr sharaf iyo difaacid lagu difaaco)) maxamed c/wahab wuxuu ugu jawaabay sida tan ((adiguna ku bishaareyso sharaf dhulkood hanato iyo u adkaansho aad u adkaato dhulka najdi oo dhan )) waayo waxa aan wado oo aad u gargaareysid waa kalimada laa ilaaha illal laahu ninkii u gargaarana magaalooyinka iyo dadka ayuu ku hantaa intaakadib maxamed c/wahab wuxuu u bandhigay fulinta fikrigiisa, wuxuuna u soo jeediyey qodobadan kala ah:-
1.in dadka loogu yeero kallimada laa ilaaha illallaah. (iyadoo la wada ogsoon yahay in dadka halkaas joogay ay ahaayeen dad muslimiin ah oo aan u baahnayn in towxiid cusub loogu yeero laakiin maxamed c/wahab ayaa sidaad horeyba u soo ogaateen aan towxiid u aqoonin towxiidka islaamka in isaga la raaco mooyee)
2.qodobka 2aad wuxuu ku yiri:- in dadka samaanta loo sheego xumaantana laga reebo (iyadoo aad soo ogaateen in maxamed c/wahab uu samaan u yaqaano oo kaliya in isaga la raaco xumahana uu u yaqaan inaan la raacin towxiidka uu sheegay in aanay jirin qof fahantay isaga hortii).
3.qodobka 3aad ee ugu dambeeyey wuxuu ku yiri in lala dagaallamo ruuxii na diida la dilo maalkiisana la qaato.
markaas ayuu maxamed ibnu sacuud si hal haleel ah u yiri sida tan (( sheekhoow tani waa diintii ilaahay iyo diintii rasuulka !shakina kuma joro kuna bishaareyso guul inta aad amreysid diinta iyo jihaadka lagu qaadayo cid alla cidii adiga ku khilaafta waana ku taageerayaa haddii aad fuliso labadan shardi:
1. haddii aan ku garab istaagno magaalooyinkana qabsanno in aadan naga tageynin (cid kalena nagu beddelanayn).
2. in raatibka aan ka qaato dirciya marka ay beeruhu soo go'aan aadan iga joojinayn
markaas ayuu maxamed c/wahab isagoo ka jawaabaya labadaa arrin ee uu u soo jeediyey maxamed ibnu sacuud wuxuu si farxad leh ku yiri:-
arrinka kowaad waxaan kuu ballan qaadayaa fulintiisa, iina soo taag gacanta oo ogow dhiiggaagu waa dhiigayga dumintaaduna waa duminteyda.
shardigga 2-aad raatibka aad sheegtay inaad ka qaadato tuulada wuxuu alle mudan yahay inaad magaalooyinka qabsato oo uu kuugu baddelo qaniimooyin aad ku hodanto.
arrintaa cajaa'ibka leh ayuu kusoo afjaray hishiiskoodii loogu magac daray ITIFAAQU-DIRCIYA oo macnaheedu yahay heshiiskii dirciya oo dhacay taariikhdu markey ahayd 1157-dii hijriyada oo ku beegan 1744-tii miilaadiyada.
ogoow walaalka akhristaha ahoow dibna ugu laabo xusuustaada hishiiskan ay gaareen maxamed c/wahab iyo maxamed ibnu sacuud waxaa ka muuqanaya.
1. in ay muslimiintii ku sheegeen gaalo loogu yeerayo towxiidka.
2. in muslimiinta lagu jihaadayo, lagana maaleysanayo ama laga taajirayo xoolahooda laga dhacay oo ay ugu yeereen kuna magacaabeen qaniimo, iyagoo shaaca ka qaaday in ciddii khilaaftaahi ay gaaloobeyso laguna jihaadayo.
iyadoo ay in lays xasuusiyo mudantahay in awoodda ay ku wada hadleen iyo ballan qaadyada ay is weydaarsadeen aanay ahayn miday iyagu awoodeen, balse ay isku halleynayeen cadawgii islaamka ee ay sida qarsoon u wada shaqeynayeen sida aan ku cadeyn doono qoraalladeenna soo socda.
horeyna waxaad usoo ogaateen in maxamed c/wahab uu ahaa ninkii meel kasta laga soo eryay tuulada dirciyana soo galay isagoo keligii ah oo la baacsanayo.
maxamed ibnu sacuud na wuxuu madax ka ahaa tuulo kaliya mana lahayn awood ay keligood kaga dhex sameystaan dawlad ka dhan ah dowladdii islaamka oo ahayd waqtigaas mid aad u awood badan.
waliba wakhtigaas waxay dawladda islaamku dagaallo cul culus kula jirtay gaaladii reer yurub ee gumeysatada ahayd, kuwaasoo meel kastoo ay joogeen isu bahaystay in ay ridaan dowladii islaamka waxaana arrintaa gacantii ugu weynayd gaalada ka siiyay labadaa nin ee maxamed c/wahab iyo maxamed.
waxaa ugu weynaa wax yaabihii ay ku kala fur furteen khilaagadii islaamka iyo shacabkeedii qabyaalad dacaayad isku dir iyo kala qeybin si ay u fulliyaan mabda'ii saxiibadooda ee ahaa qaybi aad xukuntide.
lasoco qeebta todabaad iyo casharkeena xiga haduu alle idmo walaahu aclam
qeebtii todabaad iyo taariikhdii maxamed c/wahab
MUSLIMIINTA IYO SIDII AY U ARKEEN MAXAMED C/WAHAAB
markii uu dhammaaday heshiiskii ay wada gaareen maxamed c/wahab iyo maxamed ibnu sacuud sida ay qoreen kutubta wahaabiyada oo uu ka mid yahay cinwaanul-majdi oo ku qoran: JUSKIISA KOWAAD BOGGA 14 WAXAY SHEEGEEN IN MAXAMED C/WAHAB UU WARAAQO U KALA DIRAY CULUMADDII QUDAADII IYO MADAXDII MAGAALOOYINKA ISLAAMKA WUXUUNA UGU BAAQAY INAY QAATAAN TOWXIIDKA.
MARKII UU BAAQAASI GAARAYNA AXAY U KALA BAXEEN ayay yiraahdeen qaar ku jees jeesay oo ku sheegay inuu yahay jaahil aan waxba garanayn qaar saaxir ku sheegay qaar khawaarij ku sheega meesha ay kuwo kalana ku sheegeen ruux mulxid ah.
marka aad akhrisid qoraalladda kala gedisan ee ka hadlaya mawduucan waxaad arkaysaa in culumadii qaaliyaalkii iyo madaxdii islaamka ee maxamed c/wahab qoraalada ku kla diray ay si wayn ula yaabeen inuu towxiid ugu yeero ninkii isaga oo aan cilmiga baran oo xer ah meel kasta laga soo eryayey
lasoco qeebta sideedaad haduu alle idmo walaahu aclam.
QEEBTII SIDEEDAAD IYO TAARIIKHDII MAXAMED C/WAHAAB
WAHABIYADA OO SAMEYSATAY AFAR ARKAAN OO KHILAAFSAN ARKAANTA
ISLAAMKA EE SHANTA AH
Walaalayaal maxamed c/wahab wuxuu sameytay afar qawaacid ama usuul oo qofkii qaato lagu yaqaanno wahaabinimo wuxuuna u bixiyay dadkii qaatay afartiisa qawaacid muwaxidiin!
Muslimiintii diidayna wuxuu u bixiyay mushrikiin wuxuuna yiri dhiiggoodu waa xalaal oo waa lagu jihaadayaa maalkooduna w aa xalaal oo waa la qaniimaysanayaa ))
Afartiisaa asal oo ah qawaacidda ku qoran kitaabkiisa usuu’lu thalaathaha aakhir kiisa bogga37-41 sidoo kale waxay afartaas arkaan ku qoran tahay kitaabkiisa labada bog iyo barka ah ee la yiraahdo (arbacu qawaacidi diin oo macneheedu yahay afartii arkaan ee diinta oo uu bogga 1-aad uu ku yiri ((tiirarkan diiinta ee afarta ah waxaa lagu kala soocaa muslimiinta iyo mushrikiinta))
Hadalkaas maxamed c/wahab wuxuu ka mid yahay hadalladiisa yaabka ah waayo shanta arkaan ee islaamka ayaa lagu kala soocaa mulimka iyo gaalka ee laguma kala sooco afartaas arkaan ee uu maxamed c/wahab dejiyay
Mar kale waxay kitaabka la yiraahdo (caqiidatu maxamed c/wahab al-salafiya) boggiisa 13aad ku yiraahdeen afartaas qawaacid waa afar tiir oo lagu kala sooco muslimiinta iyo gaalada)
Walaalayaal tiirarka islaamku ma aha afartaas tiir ee wahaabiyadu sameysatay ee waa shanta tiir ee islaamku oo kala ah:-
1.tawxiidka oo la qiro
2.salaada oo la oogo
3.sakada oo laguto
4.bisha ramadaan oo la soomo
5.baytka illaahay oo la xajiyo
Tiirarka iimaankuna waa lix tiir oo kala ah:-
1.ilaaheey oo la rumeeyo
2.malaa’igtiisa oo la rumeeyo
3.kutubtiisa oo la rumeeyo
4. rusushiisa oo la rumeeyo
5.maalinta aakhirada oo la rumeeyo
6.ilaahay qadarkiisa oo la rumeeyo kheyrihi iyo washarihi
Walaalayaal shantaa arkaanul islaamka iyo lixdaa iimaanka ayaa lagu gartaa qofkii muslim ah oo mu’min ah, ee laguma garto jaatarkaas uu dajiyay maxamed c/wahab ee ah afarta qawaacid ee uu ku hor qoray aayadaha quraanka ee uu sida geddisan ugu adeegsaday fasirkeeda.
Afarta qawaaacid ee maxamed c/wahab uu yiri qofka aan raacin waa gaal
Wuxuu ku bannaystay daadinta dhiiga muslimiinta sida noogu iman doonta mawaadiicdeena nagu soo foolka leh
DUULAANKII UGU HORREEYEY EE WAHAABIYADU KU QAADDAY MUSLIMIINTA 1159-H, 1746-M.
Maxamed c/wahab isaga oo fulinaya afartiisa qawaacid ee aanusoo sheegnay ayuu wuxuu billaabay duullaamadii uu muslimiinta ku qaadayey kadib markuu arkay in si adag loogu hor yimid fikradiisii wuxuuna ku baaqay dagaal uu ugu magic daray jihad taariikhdu markay eheed 1159-h oo ku began 1746-m waxayna wahaabiyadu kutubtooda ku qoreen sida cinwaanul-majdi juska koowaad booga 14 ilaa 15 aad
In ciidankii ugu hooreeyay ee wahaabiyada eek u duula muslimiinta ay wateen 7 gaadiid ah oo ay sheegeen in ay ku weerareen dad kii degganaa baadiyaha iyagoo ku faanay in ay qaniimaysteen xoolihii muslimiinta soona laabteen iyagoo aanay wax dhibaato ahi gaarin halkaa ayayna wahaabiyadu ka sii wadeen dagaaladii ay kula jireen muslimiinta lasoco casharka xiga inshaa alaah


Featured